Animation

War hada: Maxaadan ogeyn oo saakay laga soo sheegaya qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho???

no responses
Saturday February 4, 2017 - 8:22 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidamo aad u fara badan oo isugu jira Nabad sugid Milatari iyo Booliis ayaa saakay waxaa lasoo dhoobay Wadada Makka al-mukarama oo kamid ah Wadooyinka ugu mashquulka badan caasimadda Muqdisho.

Gaadiidka Dadweynaha iyo kan raaxada ayaa loo diidaya in saakay ay isticmaalaan wadadaan iyadoona ciidanka ay ku amraya gaadiidka in ay laabtaan.

Wadada waxaa lagu arkaya arday iyo dadweyne badan oo cagtooda maalaya maadama gaadiidkii dadweynaha uusan ka shaqqeyneynin maanta wadada maka al-mukarama.

Xarunta Golaha shacabka ayaa maanta waxaa khudbado ka jeedin doona musharaixiinta madaxweynaha iyadoona ay xusid mudantahay in doorashada madaxweynaha ay ka harsantahay mudo 4 maalmood.

Dadka reer muqdisho ayaa isku diyaarinaya jawi cusub oo Caasimadda ay galeyso maadama doorashada ay soo dhawdahay waxaana inta badan dadku ay maankooda ku haayaan in wadooyinka muqdisho la xiri doono isku socodka dadka iyo gaadiidkana uu hakad gali doono maalmaha ay socoto doorashada.