Animation

War Hada: Maxaadan Ogeyn oo Saakay laga soo Sheegay Magaalada Qandala ee Gobolka Bari oo Duqeyn ay ku socotay??? War ayaan idin kaga heynaa

no responses
Thursday November 3, 2016 - 7:50 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Qandala oo Labadii maalmood ee ugu Dambeysay Maraakiib Dagaal ay Duqeyn ku wadeen ayaa Saakay wararka aynu ka heleyno waxa ay sheegayan in Xaaladda ay tahay mid dagan oo Wax duqeyn ah aysan jirin.

Qandala weli waxaa Gacanta ku haaya maleeshiyo ku Abtirsada Kooxda Daacish waxaana labadii maalmood ee ugu damabeysay Magaalada Duqeyn ku waday Maraakiibta Dagaalka NATO oo Beegsanaayay Saldhiga Ciidanka iyo Xarunta Maamulka oo Kooxda ay ku suganyihiin.

Magaalada Dadkii ku Noola Badankood waa ay ka Qaxeen waxaana dadka lagu daadgureynaayay Doomo oo lagu geynaayay Magaalooyin ay ku jirto Boosaaso.

Dhinaca kale Ciidmaada Difaaca Puntland waxa ay weli ku Hareereysan yihiin Magaalada Banaankeeda Iyagoo aan weli Cagta soo galin Gudaha Qandala .

Ciidanka waxa ay wataan Gawaari dagaal iyo Hub Culus waxaana jirta in Diyaarado Dagaal oo Qumaati u kaca in Ciidanka Puntland ay dusha kala socdaan.