Animation

War Hada: Maxaadan Ogeyn oo Saakay ka Cusub Deegaanka Godinlabe oo Ciidanka Shalay ku dagaalamay ay Is Horfadhiyaan??? War ayaan idin kaga heynaa

no responses
Thursday October 13, 2016 - 9:36 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka heleyno Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayan in Saakay Xiisad dagaal ay ka jirto Magaalada Maadama ay Isku Horfadhiyaan Labada Ciidan ee shalay halkaa ku dagaalamay.

Ciidamada Galmudug iyo Maleeshiyada Ahlu-sunna ay taageerayan ayaa waxaa uu ka dhacay Godinlabe Dagaalkaasi oo Ciidanka Galmudug looga saaray Deegaanka Balse markii ay dambe ay Magaalada qeybo ka mid ah ay ku wada suganyihiin.

Dagaalkii shalay waxaa ku dhintay Taliyihii Ciidanka Ahlu-sunna Waxaana dagaalkaasi ka dhashay qasaaro kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray iyadoona ay jireen dad shacab ah oo dhaawacyadooda Cadaado la geeyay iyo dhuusamareeb.

Dadkii ku Noolaa Godinlabe Badankood waxa ay ka barakaceen deegaanka Maadama Magaalada laba ciidan ay ku wada suganyihiin Iyadoo markasto la filan karo in dagaal uu dhexmaro Ciidamada Magaalda ku wada sugan oo Hadana xurguf ay ka dhaxeyso.

Ahlusunna waxa ay sheegtay in Godinlabe ay kula dagaalameen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab iyo Ciidanka Galmudug .

Galmudug dhankeeda waxa ay sheegtay in Dagaalka Godinlabe ay Puntland ka dambeyso Ahlusunna ay soo adeegsatay Puntland.

Xaaladda Deegaanka Hada waa dagantahay Waxaana Magaalada Labadeeda dhinac Koonfur iyo wuqooi ku wada sugan Ciidamada Galmudug iyo Maleeshiyo Isbaaro u tiilay Deegaanka oo ay kaabayaan Ciidamada Ahlusunna.

La soco wixii ku soo Kordhaa Insha allah