Animation

War Hada: Maxaadan Ogeyn oo Muhiim oo Dalka Soomaliya kusoo Wajahan Maalmaha soo socda???? War ayaan kuu heynaa

no responses
Saturday September 10, 2016 - 5:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida ay qortay wakaalada Wararka ee dalka Turkiga ee lagu magacaabo Anadul waxaa Soomaaliya dowladda Turkiga ay u soo dirtay Markab sida shixnad gar gaar ah oo loogu talagalay Shacabka Soomaaliyeed.

Markabka oo shalay galinkii dambe kasoo shiraacday dekeda magaalada Mersin oo ku taalla Koonfurta dalka Turkiga.

Marka ayaa lagu magacaabaa Lila Majuro waxaana sidoo kale ay sheegtay wakaalada Turkiga in markabkaasi uu deeqda gar gaar ah uu gaarsiin doono dalka Jabuuti iyo sidoo kale qeybo ka mid ah dalka Itoobiya.

Ma’suuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga ayaa warbaahinta u sheegay in markabkaan loogu talagalay Shacabka Soomaaliyeed ee kunool deegaanada Puntland iyo Somaliland.

Ismail Hakki Turunc, oo ah Madaxa Hay’adda Musiibooyinka deg deg ah ee dalka Turkiga ayaa sheegay in Marka ay saaran yihiin 11 tan oo isku jira Bur iyo Sokor iyo sidoo kale Agabyo kale.

Waxaa sidoo kale sheegay in dowladda Turkiga Mar walba ay garabtaagan Shacabka muslimiinta ah ee Soomaaliya ayna sii wadi doono Gar gaarka ay siiso Soomaaliya.

” Markaan sida gar gaarka bani’adamnimo   hadii uu gaaro Soomaaliya waxay ka dhigan tahay in dowladda Turkigu 62,000 oo Tan oo gar gaar ah ay gaarsiisay dalka Soomaaliya” sidaasi waxaa yiri madaxa waaxda difaaca Rayidka ee Hay’adda ka hortagga Masiibooyinka ee dalka Turkiga.