Animation

War Hada: Maxaadan Ogeyn oo Maanta laga Xusay Magaalada Muqdisho???+Sawirro

no responses
Wednesday October 12, 2016 - 6:48 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Munaasabadan lagu xusayay maalinta Aragga Aduunka oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen ururka indhoolayaasha Soomaaliyeed ee SABA iyo ururka dhaqaatiirta Indhaha waxaa ka qayb galay masuuliyiinta ururadaasi, xubno matalayay ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, saraakiil katirsan Booliska Soomaaliya iyo qaar kamid ah dadka aragga naafada ka ah oo ay ka mid ahaayeen ardayda dugsiga Indhoolayaasha ee Al-nuur ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta ka hadlay munaasabadda oo ay kamid ahaayeen dhaqaatiir iyo xubno kale oo aragga naafo ka ah ayaa ka sheekeeyay ahmiyadda maalintan ay u leedahay aduunka oo dhan, gaar ahaana dadka aragga naafada ka ah ee Soomaaliyeed

“Maalintaan qiimo wayn ayay ku leedahay dunida inteeda kale, waxaa la socota oo lala xusaa maalinta Usha Cad oo iyadana muujinaysa kaalinta dadka aragga la’”.

Generaal Maxamed Yuusuf Madaale oo kamid ah saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in Booliiska mar walba ay garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee aragga la’.

“Booliska waxa uu mar walba la shaqeeyaa bulshada, dadka indhoolayaasha ahna bulshada aan la shaqayno ayay kamid yihiin”

Gudoomiyaha uruka indhoolayaasha Soomaaliyeed Macalin Ibraahim C/laahi Maxamuud ayaa muujiyay in ay jiraan caqabado mararka qaar ay la kulmaan dadka aragga la’ sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in la dhiiro galiyo dadkaasi.

“Caqabadda dadka ay la kulmaan waxaa kamid ah in wadayaasha gaadiidka qaarkood aaney fahansaneyn Usha cad iyo micnaheeda”

Dr C/samad  Gudoomiyaha uruka Dhaqaatiirta indhaha iyo Dr Cali Baashi Cumar Rooraaye oo ah daqtar khabiir ku ah Cudurada Indhaha ayaa gaba gabadii munaasabadda ka sheegay in ay garab taagan yihiin dadka aragga la’ ee Soomaaliyeed oo door weyn ku leh bulshada inteeda kale.

ar1-1 ar2 arag3 arag4 arag5 arag6 arag7

Facebook Comments