Animation

War hada: Maxaadan ogeyn oo maanta laga soo sheegaya xaafaddaha magaalada kismaayo xili ciidanka NISA ay….

no responses
Tuesday May 30, 2017 - 8:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya magaalada kismaayo ayaa waxa ay sheegayan in ciidamada nabad sugida jubbaland ay howlgalo qorsheysan ka wadaan qaar kamid ah xaafaddaha ay ka koobantahay magaalada kismaayo.

Ciidamada ayaa baacsi ugu jira maleeshiyaad ka tirsan alshabaab oo ciidamada jubbaland qarax kula eegtay duleedka magaalada kismaayo.

Ciidamada ayaa xaafaddaha qaar ee kismaayo baaritaan xoogan ka wada mana jirto bartilmaameed ay ciidanka ku socdaan ama shaqsiyaad ay ciidanka baadi goobayan oo ilaa iyo hada ay warbaahinta ogaatay.

Saraakiisha NISA ee jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaan lagu xaqiijinaayo ammaanka kismaayo laguna baacsanaayo dadka falalka amni darada ah magaalada la damacsan amaba ka geestay.