Animation

War Hada: Maxaadan Ogeyn oo Maanta laga soo sheegaya Deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose?? War xiiso Badan ayaan idin kaga heynaa

no responses
Thursday September 29, 2016 - 9:48 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidamada Kumaandoosta Soomaliya oo Garabsanaya Kuwa Mareykanka ayaa Weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa la sheegay in uu dhacay Habeenimadii Xalay iyadoona Duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka waxaana duqeynta xigtay in Ciidanka Kumaandoosta ay gudaha u galeen tuulada Golishumbi oo ka tirsan gobolka  Jubbada hoose oo Fariisin u ah Dagaalyahanada Alshabaab.

Taliyaha ciidamada Jubbaland Korneyl Aadan Goojaar ayaa xaqiijiyay in howgal qorsheysan oo dhinaca cirka  iyo dhulka  ay  habeenimadii xalay ciidamada kumaandooska ay  ku qaadeen  deegaanka Golishumbi ,halkaasoo ay ku sugnaayeen Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Korneelka ayaa sheegay in Weerarkii xalay ay ku dileen ilaa 4 ka tirsan Saraakiisha Alshabaa waa siduu Korneylka hadalka u dhigay mana jirto warar ka madax banaan korneylka oo Arintaasi Xaqiijinaya.

Sidoo kale Ciidanka Kumaandoosta ayaa la sheegay in ay Gacanta ku dhigeen Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaay tuulada uu weerarka ka dhacay.