Animation

War Hada: Maxaadan Ogeyn oo Maanta Baydhabo ka Furmay Xili ay soo Dhawdahay Doorashad????+Sawirro

no responses
Monday October 10, 2016 - 2:46 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Magaalada Baydhabo Maanta waxaa ka Furmay Siminaar loo qabanaayo in Kabad 300 oo ka tirsan Ciidanka Booliska Maamulka Koonfur Galbeed .

Siminaarkaan ayaa Ciidanka waxaa lagu baraayay sidii ay u sugi lahaayeen Amniga Goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka Baarlamaanka.

Kusimaha Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Furay Siminaarkaan ay ka qeyb galayaan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee K/Galbeed.

Tirada Askarta Maanta Siminaarka uga furmay Magaalada Baydhabo waxaa ay gaarayeen 300 askari oo qeyb ka ah Ciidanka Policka gaarka ah ee koonfur galbeed, kuwaasi oo tababarka ay siin doonaan Saraakiil ka tirsan Howlgalka Midawga Afrika ee AMISOM.

Kusimaha Madaxweynaka KG Ahna Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi ayaa Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in tababarkaasi aya gacan weyn ka siinayso Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Dawlada Boqortooyada Ingiriiska.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

bay bay1 bay2 bay3 bay4

Facebook Comments