Animation

War hada: Maxaadan ogeyn oo kusoo kordhay dilkii dhawana buula barde loogu geestay askari jabuutiyaan ah xageesa ku dambeeyay ninkii dilay??

no responses
Saturday April 22, 2017 - 10:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanya degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in howlgal ay sameeyeen  ciidamada xoogga dalka ay ku dileen askari dil u geystey mid kamid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee dalka Jabuuti.

Taliyaha Ciidamada dowladda ee degmada Buula Barde ayaa VOA u xaqiijiyay in howlgal ay ciidanka sameeyeen ay ku dileen ninkii dilka u geystay askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee ka socday dalka Jabuuti.

Dilka askariga jabuutiyaanka ah ayaa Arbacadii ka dhacaya magaalada Buulo Barde ee gobolka hiiraan.

Wararka ayaa sheegay in ciidamadu ay ninkaasi ku dileen degaan lagu magacaabo Jameeco Shiin oo bari ka xigta magaalada Buulo Barde.

Taliye Cabdullaahi Barre ayaa sheegay in magaalada Buula Barde ay soo gaar-siiyeen meydka gacan ku dhiig-laha iyo qori uu ka qaatay markii uu dilay askariga u dhashay Jabuuti.

Dilka askariga AMISOM ayaa xiisad ka dhaliyay magaalada Buula Barde iyadoo qaboojin teedana ay u tageen goobtaasi masuuliynta ugu sarreysa maamulka Hirshabelle.