Animation

War Hada: Maxaadan Ogeyn oo Halisteeda leh oo Laga soo sheegaya Deegaanka Ceel-baraf ee Gobolka Sh.dhexe??? War ayaan idin kaga heynaa

no responses
Saturday November 5, 2016 - 2:48 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wakaaladda wararka SONNA oo Baahisa EWararka Dowlada ayaa waxa ay Baahisay War ku Saabsan in Dagaalyahanada Alshabaab ay Sumeeyeen Ceelashii Biyaha Dadka ay ka cabi Jireen ee ku Yaala Deegaanka Ceel-baraf Ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

SONNA oo soo Xiganeysa Dadka Deegaanka ayaa sido kale sheegtay in xalay saqdii dhexe Alshabaab ay sumeeyey ceelasha biyaha ee ku yaala deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Ma jirto Cadeyn Rasmi ah oo SONNA ay kusoo Bandhigeyso Warkaan ay daabacday.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Sababta ay ku ogaadeen in Ceelasha la Sumeeyay ay aheyd kadib Markii Koox ka tirsan Shabaabka dhexdooda ay dadka kusoo wargaliyeen in ay Jiraan in Dagaalyahano Alshabaab ah ay Ceelasha Biyaha Deegaanka Ceel-baraf ay sumeeyeen Xalay saqdii dhexe.

21-kii bishii aynu soo dhaafnay ee October ayey aheyd Markii Qaraxyo lala beegsaday Ceel Biyoodyo ku yaala Deegaanka Ceel-baraf ee Gobolka Shabeelada dhexe Mana jirto Cid Dhacdadaasi sheegatay ama ka hadashay.