Animation

War Hada: Maxaadan Ogeyn oo Halisteeda Leh oo Saakay laga soo sheegaya Dagmada Baardheere ee Gobolka Gedo???

no responses
Thursday September 15, 2016 - 6:28 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka Heleyno Dagmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayan in Habeenii Xalay Bambo Gacmeed lagu weeraray Guriga uu Baardheere ka degan yahay Gudoomiyaha Maxkamada Magaalada Baardheere Sheekh Cabdi.

Kooxo Dabley ah ayaa Bambo Gamceed ku tuuray Guriga Guddoomiyaha Maxkamada Inkasto wax qasaaro ah aysan ka dhalan Bambada lagu tuuray Hooygiisa.

Taliye ku xigeenka Magaalada Baardheere Cabdi Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xalay weerarka Bambo gacmeed loo adeegsaday ee lagu weeraray Gudoomiyaha Maxkamada Baardheere,

Taliye ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in Ciidanka Ammaanka ay wadaan Howlgalo lagu baadi goobaayo Ragii xalay Bambada ku tuuray Guriga Guddoomiyaha Maxkamada Dagmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Xaalada Saakay waxa ay tahay Mid dagan Waloow Ciidanka ay Wadaan Baaritaano lagu ogaanaayo Kooxihii Xalay weerarka soo qaaday.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Taliye ku Xigeenka Baardheere