Animation

War Hada: Maxaadan Ogeyn oo Hada laga soo sheegaya Xerada Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne???

no responses
Thursday October 27, 2016 - 10:34 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Safiirka Dawladda Jabuuti u fadhiya Muqdisho Amb: Aaden Xasan Aaden oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka ayaa Maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Safiirka iyo Saraakiisha ka tirsan Ciidanka Militariga Wadanka Jabuuti ayaa ujeedada safarkoodu yahay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen habsami u socodka hawsha nabad ilaalineed oo ay u joogaan Soomaaliya iyo sidii ay ugu muujin lahaayeen Ciidankooda inay mar walba garab taagan yihiin.

Safiirka Dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan ayaa u sheegay wariyayaasha isagoo ku hadlaya codka Dowladdiisa in Ciidamadooda jooga Soomaaliya aysan baqdin galin doonin weerarada argagixisada Al-shabaab ee nafla caariga ah.

Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaliya, Amb. Aden Xasan Aden oo ka hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee dhawaan kooxda Al-shabaab ku qaaday Xaruun ay Ciidamada AMISOM ee Jabuuti ku lahaayeen duleedka Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in aysan waxba ka badeli doonin howlaha nabad ilaalinta ee ay ciidamada Jabuuti ee Hiil walaal u joogaan gudaha Soomaaliya.

Safiirku waxaa kaloo uu tilmaamay in Ciidankoodu uu u yimid Soomaaliya gudashada waajibaad Walaalnimo iyo mid Qaranimo, islamarkaana ay xaqiijin doonaan oo ay Soomaaliya sii joogi doonaan, ayna gudanayaan waajib ka adag midka saaran Ciidamada kale ee AMISOM, waxa uuna xusay in uu jiro xiriir Walaaltinimo oo adag oo ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa dhawaan qarax baabuur oo is miidaamin ah ku qaadeen Maleeshiyadda Kooxda Alshabaab fariisin ama saldhig ay ku lahaayeen gudaha Magalada beledweyne.