Somali News

War Hada: Maxaadan ogeyn oo Hada laga soo sheegaya Magaalada Jowhar Kadib Dilkii Taliyaha Booliska Gobolka shabeelada dhexe??

Wararka saakay aynu ka heleyno Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamada Ammaanka ay Howlgal balaaran ka wadaan qeybo kamid ah Xaafadaha Magaalada Jowhar.

Howlgalka waxa uu ka socda Xaafada Kulmis ee Magaalada Jowhar halkaasi oo xalay Bambo gacmeed gurigiisa lagu tuuray uu ku geeriyooday Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka shabeelada Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye.

Taliye Carfaaye waxa uu u geeriyooday Dhaawac halis ah oo kasoo gaaray Bamka lagu dhuftay hooygiisa xili uu isaga ku sugnaay Barxada gurigiisa waxaana sidoo kale qaraxa ku naf waayay qaar kamid ah Askarta Ilaaladiisa.

Warar kale oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayan in sidoo kale qaraxan uu ku dhintay Mid kamid ah Labo Nin oo dhawaan qeybo kamid ah Gobolka shabeelada dhexe kusoo dishay Sargaal Alshabaab ka tirsan Kadibna soo abxday iyadoona Labadaasi nin lagu soo Bandhigay Magaalada Jowhar .

Labada Nin waxaa la sheegay in la dalacsiiyay oo Askar laga dhigay Balse Mid kamid ah uu xalay ku dhintay Qaraxa lagu weeraray Guriga Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka shabeelada dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye.

Related posts

SAWIRRO:- Wasiir Beyle oo Kormeeray Xaruntii Wasaaradda Lacagta Oo Dib loo dhisayo.

Ahmed sudani

Daawo: Ra’isul wasaare kheyre oo booqasho Sharfeed ugu tagay Guddoomiye Eng Yariisow

admin

TOP NEWS: Saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS oo Tababar loogu soo xiray Dalka Sudan

Tifaftiraha K24