Animation

War Hada: Maxaadan Ogeyn oo Hada ka Cusub Magaalada Galkacyo oo Shalay Dagaal Culus uu ka dhacay??? war ayaan idin kaga heynaa

no responses
Saturday October 8, 2016 - 7:23 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo shalay lagu dagaalamay ayaa saakay lagu soo waramayaa in ay tahay mid dagan.

Sidoo kale waxaa wali hakad kujira isu socodka ganacsiga magaalada, iyadoo ganacsatadu ay ka baqanayaan in mar kale dagaal uu bilowdo, maadaama labada dhinac wali si buuxda aaney u balan qaadin xabad joojin la sameeyo.

Ma jirto Ififaale muujiyana in aan mar kale Dagaal ka dhicin Magaalada Gaalkacyo,maadaama Maamulada wada dega Magaalada ay Saxaafadda isku Marinayaan Hadalo Kul kulul oo Dagaal horseedi kara.

Waxgaradka iyo culumada ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegayaa in ay wadaan dadaalo dheeri ah, oo ay ku doonayaan in lagu hakiyo colaada.