Animation

War Hada: Maxaadan Ogeyn oo Dhexmaray Raisul Wasaare ku Xigeen Cumar Carte iyo Wafdi ka socda Dowlada Mareykanka????

no responses
Tuesday October 25, 2016 - 3:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda iyo safiirka mareykanka u fadhiya Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa kala hadlay wafdiga arrimo ay kamid ahaayeen xiriirka labada dal, la dagaalanka argagixisada, iyo u diyaar garowga doorashooyinka dalka ka dhici doona.

“Waxaa meel wanaagsan inoo mareysa federaaleynta dalka, dhanka kale waxaan ku guuleysanay baabi’inta shabikada badan oo ka tirsan kooxaha nabadiidka taasoo noo xaqiijineysa in sanadkan dalkeena doorasho ay ka dhici doonta”.

Sidoo kale Mudane Carteh ayaa ugu mahadceliyay dowlada Mareykanka sida ay u garab taagantahay dowladda Soomaaliya.

“Waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad noogu garab taagantihiin safarka aan ugu jirno dhismaha dowladnimada iyo nabadeynta dalkeena Soomaaliya oo aan hubo inaad door weyn ka ciyaareysaan”.

Ugu dambeyn RW Ku-xigeenka dalka ayaa shir kala qeybgalay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorsheeynta, iyo saraakiil ka tirsan Bankiga Aduunka, kaasoo looga hadlay diyaarinta miisaaniyada 2017, iyo waafajinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee miisaaniyadda 2017 iyo mashaariicda Bankiga aduunka uu dalka ka fulinayo.

 

—–DHAMAAD—–