Animation

War hada: Maxaadan Ogeyn oo Cabdi Wali Gaas uu ka daah-furay qeybo kamid ah Gobolka Bari??

no responses
Thursday January 26, 2017 - 12:14 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada xiriiro ee gobolka bari ka daahfuray gargaarka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameyeen ee ku soo hayaamay degaanada gobolada karkaar iyo Bari.

Daahfurka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland, masuuliyiinta gobolada Bari iyo Karkaar,  saraakiisha ciidamada Puntland iyo saraakiil ka tirsan  Madaxtooyada .

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo si rasmi ah u daafuray gargaarka loo fidiyey dadka abaartu saameeyeen ayaa sheegay in gargaarkani lagaarsiin doono 8,000 oo qays ku waas oo ka soo hayaamay Waqooyiga, Koonfurta, iyo Bariga Soomaaliya isla markaana waxa uu madaxweynuhu kula dardaarmay masuuliyiinta ku hawlan qaybtinta macaawimadan in ay si caadalada u gaarsiyaan dhamaan dad kaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa cadeedey in  gargaakan loogu deeqay dadka abaaruhu saameeyeen uu ku timi halku dhiga ah ‘’Puntland ha isku tashato’’ taas oo ay iska kaashadeen Puntland iyo shacabkeeda, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tibaaxay in beesha caalamka iyo cidkasta oo ku foogan arimaha bini’ aadantinimada aanay wax gacana ka gaysan gargaarkan lagu caawinayey dadka xoolo dhaqatada ah ee abaartu saamaysay,balse ay isku tashatay.