Animation

War Hada: Maxaadan Ogeyn oo Caawa ka Cusub Dagmada Afgooye oo Galabta Alshabaab Dagaal kula Wareegeen??? War ayaan idiin kaga heynaa

no responses
Tuesday October 18, 2016 - 7:24 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dagaalyahanada Alshabaab ee Galabta Inta badan Dagaalka kula Wareegay Dagmada Afgooye ayaa la sheegay in ay Ka baxeen Magaalada oo ay ka qaateen Gaadiid dagaal.

Magaalada waxaa Caawa ka socda Howlgal Balaaran oo ay Wadaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom Howlgalkaasi oo Ammaanka lagu Xaqiijinaayo.

Dagaalka oo Mudo Saacado ah ka socda Magaalada oo dhan ayaa Waxaa Shabaabka u suurta gashay in ay la wareegeen Saldhiga Ciidanka Xarunta Maamulka Dagmada iyo Goobo kale oo Muhiim ah.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in Magaalada ay Hada ku suganyihiin Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Amisom.

Dagaalkii Galabta dhacay waxaa ku Geeriyooday Isku duwahii Wasaarada Maaliyada Koonfur Galbeed  Maxamuud Daahir Qooleey iyo Col. Axmed Cabdulle Gorod  ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaliyed.

Markii laga soo tago Qasaaraha gaaray Masuuliyiin iyo Saraakiisha Dowlada waxaa jirta in Qasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac uu gaaray Dad Shacab ah Waloow aan weli la ogaan Qasaaraha Inta uu la egyahay.

Xaalada Magaalada Cawada waa ay dagantahay Wax Ganacsi ahna Magaalada Kama Jira Dadka ku Nool Dagmada ayaa Cabsi Balaaran ka qaba in markale Shabaab ay Weerar kusoo qaadan Maadama Galabta Gabal dhicii ay Iskood Magaalada uga Baxeen.