Animation

War Hada: Maxaad ka Ogtahay Waxa Maanta Soomaliya ay ka jeedineyso Fadhiga Guud ee Qaramada Midoobay?? War ayaan Idin kaga heynaa

no responses
Saturday September 24, 2016 - 8:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wasiirka arimmaha dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa maanta lagu wadaa in  khudbad uu kaga hadlayo xaalada Soomaaliya  uu ka jeediyo kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobey ee ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu ka hadlo arrimo badan oo quseeya Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka , la dagaalanka Al-Shabaab , iyo sidoo kale doorashooyinka lagu wado in ay dhawaan ka dhacaan Soomaaliya.

Wasiir Hadliye oo mataalaya dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu wado in uu soo hadal qaado taageerada ay beesha caalamku  siiso Soomaaliya iyo sidoo kale sidii loo kordhin lahaa.

Kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa wali ka socda magaalada New York iyadoo ay khudbadaha madaxda caalamka lagu soo qaadayo arrimo badan oo kala duwan.

Facebook Comments