Animation

War Hada: Maxaabiis Badan oo Xabsiga laga sii daayay Kadib Markii Ciidamada Jubbaland ay la wareegeen Dagmada Badhaadhe

no responses
Tuesday January 24, 2017 - 1:35 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Iyadoo Xalay Ciidamo Is baheysanaya ay Dagaal kooban kula wareegeen Dagmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa la sheegaya in Ciidamada Jubbaland ay Xabsiga kasii daayeen Maxaabiis aad u badan oo shabaabka u xirnaay.

Ku dhawaad 37 Maxaabiis oo Alshabaab u xirnaay ayey Ciidamada sii daayeen waxaana Arintaasi warbaahinta u Xaqiijiyay Saraakiisha Jubbaland ee Hogaamineysa Howlgalkii Maanta lagu qabtay Dagmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in 37 Qof ee ay ka siidaayeen Xabsiga Degmada Badhaadhe in ay ahaayeen Dad Shacab ah oo Mudo dheer u Xirnaa Kooxda Al-shabaab.

Ilaa seddex Dagaalyahan oo Alshabaab ka tirsan ayaa Nolosha lagu qabtay sida ay sheegeen Saraakiisha Jubbaland hadana baaritaan uu ku socdo.

Howlgal qorsheyn oo ay ka qeyb qaadanaya Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo Cadaan ah ayaa Xalay waxa ay Ciidamada Jubbaland ku qabsadeen Dagmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose Halkaasi oo Istaraatiiji u aheyd Alshabaab.

Alshabaab weli kama aysan Hadlin Dagaalka looga qabsaday Dagmada Badhaadhe.

Facebook Comments