Animation

War Hada: Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo Dib ay uga Bilaabatay Doorashada Aqalka Hoose

no responses
Wednesday November 9, 2016 - 7:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalooyinka Baydhaba ee Gobolka Bay iyo Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanlinkii labaad ka soconaya doorashooyinka Aqalka Hoose ee Barlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo ammaanka Magaalooyinkaasina si weyn loo adkeeyey.

Aadan Kismaayo Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Jubbooyinka ayaa ku soo waramay in Magaalada Kisamaayo ay maalintii labaad la sii guda galay doorashada aqalka Hoose, waxaana maanta loo fadhiyaa in la doorto 12 kursi oo ka mid ah aqalka Hoose ee baarlamaanka, iyadoo shalay la doortay 7 kursi.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in gelinka hore ee maanta la qosheeyay in la doorto ilaa iyo lix mudane, halka lixda kale la doonayo in la doorto gelinka dambe ee maanta.

42 Xildhibaan ayaa laga doonayaa inay ka soo baxaan doorashooyinka aqalka Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland uga qeyb galaya baarlamaanka Federaalka ah Soomaaliya.

Sidoo kale Magaalada Baydhaba ayaa waxaa ka soconaya doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka oo maanta lagu wado in la doorto 8 mudane, maadaama shalay ay soo baxeen 7 Xildhibaan oo uu ku jiray Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Tirada guud ee kuraasta Aqalka Hoose ee xubnaha ka imaanaya Koonfur Galbeed ayaa ah 69 kursi.