Animation

War hada: Magaalooyinka kismaayo, garbahaarey, jowhar, beledweyne iyo muqdisho oo Dabaal dagyo waaweyn ay ka socdaan

no responses
Wednesday February 8, 2017 - 5:29 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka heleyno gobolada dalka soomaliya ayaa waxa ay sheegayan in banaanbaxyo xoogan ay ka bilowdeen magaalooyinka dalka oo dhan.

Magaalooyinka Beledweyne,jowhar,garbahaarey, kismaayo iyo magaalooyin badan oo dalka kamid ah ayaa waxaa hada ka soconaya banaanbaxyo xoogan oo lagu taageeraayo musharax madaxweyne maxamad c/llahi farmaajo.

Dabaal dagyadana iyo Rasaasta waxa marba marka ka dambeysay ay kusii kordheysaa dagmooyinka gobolka banaadir.

Guusha madaxweyne farmaajo waxa ay ka dhigantahay guul shacab maadama farmaajo uu yahay musharaxa kale ee taageerada ugu balaaran ka heysta bulshada soomaliya.

Maamulka sare ee shabakada kismaayo24 iyo shaqaalahiisa waxa uu hambalyo u diraya madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda soomaliya mudane maxamad c/llahi farmaajo.