Animation

War hada: Magaalada baydhabo oo maanta shacab lagu xasuuqay dhimashada oo mareysa 17 ruux iyo dhaawaca oo…..

no responses
Friday June 9, 2017 - 2:22 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in ciidamada maamulka koonfur galbeed uu dagaal ku dhexmaray gudaha magaalada.

Ciidamadan ayaa la sheegay iney ku dagaallameen raashiin gargaar ah oo dad masaakiin ah loogu qeybinayey magaalada Baydhabo.

Inta la xaqiijiyey waxaa goobta ku dhintey 17 ruux oo 13 kamid ah yihiin shacab, halka Afarta kalena la sheegay iney ka tirsanaayeen ciidankii dagaallamay, waxaana dhaawacmay in ka badan 20 qof.

Goob joogayaal ayaa sheegay in sarkaal watey ciidamada gaarka ah ee K/galbeed uu bilaabay dagaalka ka dhacay Baydhabo, kadib markii uu isku dayey inuu si awood ah ku qaato raashiinka la qeybinayey, balse waxay iska caabin kala kulmeen ciidamo ilaalo u ahaa guddoomiyaha gobolka Baay.

Waxaa isbitaalka Baydhabo la gaarsiiyey dhammaan dadkii dhaawaca ahaa, iyadoo xaaladda magaalada ay tahay mid kacsan.

Madaxtooyada Baydhabo waxaa hadda ka soconaya shir albaabada u xiran oo ay leeyihiin madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo saraakiisha dhanka ammaanka.