Somali News

War hada : Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka Tacsiyadeeyay Geeridii ku timid Allaha ha U Naxariistee Marxuum General…..

Muqdisho, 08 December 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuum Jeneral Maxamud Maxamed Guled oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Jeneral Maxamud Maxamed Guled oo ahaa Guddoomiyaha Shirkada Somali Airlines, ahaana sarkaal ciidanka XDS oo waddanka u soo shaqeeyey, waddani ah oo howlkarnimo u sii dheertahay.
Madaxweye Xasan Sheikh Maxamud ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun Allaha u naxariisto Jeneral Maxamud Maxamed Guled oo ahaa Guddoomiyihii Shirkadii Somali Airlines. Marxuum Jeneral Maxamud Maxamed Guled samir iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, Jannadii Firdowsana Allaha ka waraabiyo. AAMIIN.”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Jeneral Maxamud Maxamed Guled uu ahaa shaqsi jecel wadankiisa. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Jeneral Maxamud Maxamed Guled uu ahaa Saraakiishii Ciidanka XDS oo nidaamka dowladnimada ee Soomaaliya kaalin fiican ka soo qaatay.

—Dhammaad–

Related posts

Gabar 34-sano jir ah oo noqotay Ra’isul Wasaaraha Dunida ugu yar

admin

Xog Halis ah: Gaarigii Maanta ku qarxay Duleedka Muqdisho oo la sheegay in Soomaliland Laga soo Abaabulay Xageesa lala Damacsanaay????

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Dhageyso Shrika Madasha Wadatashiga Qaran oo Maanta lagu wado in Warmurtiyeed Xasaasi ah laga soo saaro iyo Qodobo Muhiim ah oo la filaayo in …

Tifaftiraha K24