Animation

War Hada: Maamulka Puntland oo Si Dhaqsi ah Maxkamad usoo Taagay Nin la sheegay in uu Hub kala soo Dagay Dekedda Boosaas.. Meeqa Sano ayaa lagu xukumay+Sawirro

no responses
Thursday September 15, 2016 - 2:42 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Ciidamada Puntland ayaa ku guuleystay iney gacanta ku dhigaan hub la sheegay in laga soo dejiyey dekadda Boosaaso ee gobolka Bari.

Hubkan oo ahaa Lix Bistoolad iyo rasaas ayaa lagu soo qariyey doon ganacsi oo ka timid dalka Yemen, waxaana sidoo kale ay ciidanka qabteen ninkii waday hubkaasi.

Maxamed Cali Xaashi oo ah taliyaha dekadda Boosaaso oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Bistoolooyinka si hoose loogu soo qariyey Xalwada cad, balse ciidanka dareen galay kadib ay baareen Xalwadaasi, hoosteedana ka helay Bistoolooyinkan oo Bac lagu soo xiray.

Baaritaan degdeg ah oo ciidanka Booliiska sameeyeen waxaa la qabtay dhowr qof oo hubkan keenistiisa ku eedeysnaa, hase ahaatee waxaa falkaasi qirtay Hal shaqsi oo la sheegay inuu isaga Bistooladahan watay.

Waxaa shaqsigaasi durba lasoo taagey maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland, iyadoo lagu xukumay 20 sano oo xarig ah, halka Bisttoladahana ay la wareegtay Puntland.

b535fbd174d88c202f9b

1473926434b8d9c 147392643186846

Facebook Comments