Animation

War Hada: Maamulka Hirshabeele Muxuu ka yiri Dagaalada ka socda Beledweyne Maxaadse kala socotaa Guddiga la Magacaabay???

no responses
Friday November 25, 2016 - 1:43 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle ayaa guddi ka kooban 21 xubnood u saaray colaadda ka taagan duleedka Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddigan nabadeynta ah ayaa waxa uu noqon doonaa mid ka shaqeeya isu soo dhoweynta Labada dhinac, Xabbad joojin, kala qaadista Labada Malleeshiyo iyo dhammaynta xiisadda taagan oo ah mid soo noq noqotay.

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle, Cali C/laahi Cosoble ayaa ku baaqay dhowaan in xal waara laga gaaro xiisadda colaadeed ee dhex taalla Labada Beelood ee Walaalaha ah, lana dhigo Gogol nabadeed si loo soo afjaro aanooyinka soo laa laabanaya.