Somali News

War hada: Kulankii ugu horeeyay ee baarlamaanka soomaliya oo maanta baaqday maxaase u sabab ah ??

Kulankii baarlamaanka soomaliya uu maanta ku yeelan lahaay xarunta golaha shacabka ayaa la sheegay in uu baaqday.

Kulanka ayaa u baaqday kooram la’aan awgiis maadama uusan buuxsamin kooramkii uu ku qabsoomi waayay kulanka baarlamaanka.

Xildhibaanada baarlamaanka qaarkood ayaan soo xaadirin kulan xasaasi ahaay oo maanta ay yeelan lahaayeen baarlamaanka soomaliya iyadoona kulankii maanta uu ahaay mid saxafadda dibad joog ka ahan laheyd hadii uu qabsoomi lahaay sida horayba loogu wargaliyay saxafiyiinta muqdisho.

Waa kulankii u horeeyay ee kalfadhiga koowaad ee Baarlamaankan cusub oo kooram la’aan u baaqdo, iyadoo la xusuusto in Baarlamaankii hore uu kalfadhiyadiisa qaar ay hareeyeen kooram la’aan iyo Xildhibaanada oo aan soo xaadiri jirin badankood.

Kulanka maanta waxaa lagu madalsanaay in xildhibaanada iyo guddoonka golaha shacabka ay su’aallo isku weeydiiyaan waxaana arimaha su’aallaha la iska weydiinaayo kamid ahaan lahaay faragalinta lagu eedeyay guddoonka golaha in ay ku haayaan dhismaha xukuumadda cusub ee ra’isul wasaare kheyre uuso dhisi doono.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in kulankii maanta uu kooram la’aan u baaqday isagoona xildhibaanada uga digay in falkaan oo kale uu soo laabto .

Related posts

Guddoomyaha Gobolka oo shaqada ka joojiyey saraakiill lagu eedeeyey musuq-maasuq

admin

Daawo: Shilkii Naxdinta Badnaa ee uu ku dhaawacmay Guddoomiyaha Dagmada Dayniile ayna ku geeriyoodeen Laba ka tirsan….

Tifaftiraha K24

XOG: Villa Somalia oo Gacan Sedexaad Dalbatay inay soo faragaliso Khilaafka Kenya

Mohamed Abdirashid Abaajo