Animation

War Hada: Koonfur Galbeed oo Sheegtay in Dagaalkii Shalay ka dhacay Goof-gaduud ay ku Dileen Sarkaal Sare oo Alshabaab u qaabilsanaay Gobolada……

no responses
Monday October 31, 2016 - 1:53 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Maalintii Shalay Deegaanka Goof-gaduud uu ka dhacay Dagaal xoogan oo laba mar dhexmaray Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom iyo Xarakada Alshabaab ayaa waxaa soo baxaya Faah faahin dheeraad ah oo laga helaayo qasaaraha ka dhashay dagaalka .

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay Dagaalkii ka dhacay Goof-gaduud iyo qasaaraha ay ku gaarsiiyen Dagaalyahanada Alshabaab oo Magaalada Dagaal kula wareegay Aroortii hore ee Subaxnimadii Axada.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Dagaalkii shalay ka dhacay  Goof-gaduud in dhankooda looga dilay 4 Askari, sidoo kalena laga dhaawacay Labo kale, waxaana uu sheegay in ay dileen 8 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab.

Wasiirka wuxuu sheegay in Maleeshiyada la dilay uu ku jiray Ku Xigeenkii Alshabaab ugu Magacownaay Gobolada Baay iyo Bakool kaasi oo Magaciisa uusan xusin.

Wasiirka ayaa faahfaahiyay qaabkii loo dilay Sargaalkaasi isagoona Tilmaamay in Saragaalka uu kamid ahaa kooxdii weerarka kusoo qaaday Goof-gaduud uuna ku dhintay Dagaalkii ka dhacay Deegaanka.

Alshabaab weli kama aysan Hadlin qasaaraha dhankooda ka soo gaadhay Dagaalka iyokan ay u geesteen Ciidamada Dowlada oo Subaxdii hore Magaalada Dagaal uga saareen.