Animation

War Hada: Itoobiya oo Galeysa Seddex Maalin oo Baroordiiq ah Kadib Markii ay….( Sawirro )

no responses
Monday October 3, 2016 - 12:42 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday seddax maalmood oo baroor-diiq qaran ah ka dib markii 52 qof ay ku dhinteen isbuurasho ka dhacday goob lagu cibaadeysanayay oo ku taalla gobolka Oromiya, Axaddii.

Waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo ka hadlaya waxa sababay dhimashada.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa eedda, dadkii ku dhintay isbuurashada ka dhacday gobolka Oromiya, dusha kaga tuuray dad ‘Nabad diid’ ah.

Mucaaradka ayaa sheegay in ugu yaraan 100 qof halkaasi lagu dilay markii booliska uu kala ceyriyay dadkii mudaharaadka dhigayay.

Inta badan dadka dhintayna waxay ku dheceen godad halkaasi ku yaalla, xilli ay isku dayayeen inay goobta ka baxsadaan.

Ra’iisul Wasaare, Hailemariam Desalegn, ayaa khudbad uu taleefishinka qaranka Itoobiya ka jeediyay wuxuu ku amaanay ciidammada ammaanka.

Dadka mudaharaadka samaynayay ayaa gacmahooda oo is-dhaafsan kor u taagayay, taasoo astaan u ah dibed baxyada ay dhawaan wadeen qowmiyadda Oromada.

Rabshadaha dhawaan ka dhacayay Itoobiya ayaa salka ku haya qorshe ay dowladdu shaacisay November-tii hore, kaasoo caasimadda Addis Ababa loogu ballaarinayo qeybo ka mid ah gobolka Oromiya.

Beeraleyda qowmiyadda Oromada ayaa ka cabsi ka qabay in tallaabadaasi ay ka barakicin doonto beerahooda.

Maraykanka ayaa mar sii horreysay walaac ka muujiyay rabshadaha ka dhacy qeybo ka mid ah gobllada Oromiya iyo Amxaarada.

_91491085_mediaitem91491084 _91496823_oromia_reutershi035655506 _91497336_761c6b49-7688-491b-82a3-f7bb95dae402

Facebook Comments