Animation

War Hada: Howlgalkii Suuqa Bakaaraha oo soo gaba gaboobay iyo faah faahin Kooban oo laga helay Howlgalkaasi

no responses
Tuesday September 27, 2016 - 11:09 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Iyadoo Saakay Howlgal balaaran uu ka socda Gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa hada waxaa lagu soo waramaya in Howlgalkii usoo Gaba gaboobay Ciidankii saakay galay Bakaaraha ay isaga baxeen.

Ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo Mudo saacado ah Hakad ku jiray Ayaa hada Dib u furmay waxaana suuqa kusii qul qulaaya Kumanaan Ruux oo Saakay loo diiday in ay galaan Gudaha Suuqa Bakaaraha .

Afhayeenka wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya, Cabdikaamil Macallin Shukri oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan la soo gaba gabeeyay howlgal ballaarn oo saakay waabarigii ciidamada nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed ka sameeyeen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Afhayeenka waxa uu Xusay in Howlgalkii saakay lagu soo qabtay ilaa Seddex Ruux oo lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsanyihiin Alshabaab.

 

Facebook Comments