Animation

War hada: Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa oo ka yimid gobolada dhexe ayaa gacanta lagu dhigay+xagee lagu qabtay inteesa u socday??

no responses
Saturday February 11, 2017 - 7:41 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka Puntland ayaa waqooyiga Gobolka Mudug ku qabtay gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay qalabka qaraxyada iyo Raggii la socday.

Gaarigan oo ah nooca loo yaqaan Waaraadka ayaa lagu qabtay deegaanka Beyra ee Waqooyiga Gobolka Mudug,Sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamada Puntland.

Ciidanka amniga ee Puntland ayaa la sheegayaa in xogta Gaarigan ay hayeen,islamarkaana uu ku socday Wadooyinka Qardajeex ah oo aan ahayn kuwa rasmiga ah.

Waxaa sidoo kale la qabtay 4 qof oo rag ah kuwaas oo la socday gaariga,Maamulka Puntland wali kama hadlin,Gaarigan,waxaase saraakiisha gacanta ku dhigay ay sheegayaan in Gaarigaan uu ka baxay Gobollada dhexe ee Somaliya.

Qalabka saarnaa gaariga ayaa isugu jiray biro jajaban, sanduuqyada rasaasta iyo agab kale oo qaraxyada waaweyn loo adeegsado.

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu haayaa gaariga, waxaana ku socda Baaritaano dheeri ah oo ku aadan halka loo waday gaarigaasi, inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan in gaariga loo waday Magaalada Boosaaso.