Animation

War hada: Farmaajo iyo wafdigiisa oo saakay waqti hore muqdisho kusoo laabtay muxuu ka yiri…..

no responses
Saturday May 13, 2017 - 9:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Magaalada muqdisho waxaa saakay dib ugu soo laabtay madaxweyne farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayay oo magaalada london uga soo qeyb galay shir looga hadlayay arimaha soomalia.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha aadan cadde ee magaalada muqdisho waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka xubno labada gole ka tirsan,saraakil iyo qeybha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo ayaa maalintii khamiisti waxa uu magaalada london uga qeyb galay shir arimaha soomalia looga hadlaayay waxaana shirkaas shir gudoominaayay madaxweynaha soomalia.ra’isul wasaaraha UK iyo xoghayaha guud ee qaramada midoobay.

Shirka waxaa laga soo saaray war-murtiyadeed dhowr qodob ka kooban waxaana dowladda UK iyo dhamaan dowladdihii shirka ka qeyb galay ay balan qaadeen in si dhab ah isu garab istaagi doonan dowladda madaxweyne farmaajo mudada afarta sano ah ee shaqeyn doonto.

Facebook Comments