Animation

War Hada: Faah faahin dheeraad ah oo Laga Helaayo Dagaal Beeleed qasaaro geestay oo ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud….

no responses
Wednesday October 12, 2016 - 8:02 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya Deegaanka qalan qale oo Dhinace Waqooyi Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa Sheegaya In ay ka Dhaceen iska Horimaadyo u dhaxeeya Laba Beelood oo Wada degan Halkaasi.

Inta la ogyahay hal Qof ayaa Dhintay afar kalina waa ay ku Dhaawacmeen Dagaalka.

Dagaalka u dhaxeeya labada dhinac ayaa Waraku ay sheegayaan inuu ka dhashay dilal la xiriirara aanooyin Qabiil oo ka dhacay deegaankaasi, taasi oo ah mida Keentay isku dhaca labada Beelood.

Gobolka Galgaduud deegaano ka tirsan waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay Dagaal Beeleed qasaaro kala duwan geestay waxaana dagaalada inta badan ay yimaadaan dilal la xiriira Aanooyin qabiil oo horay u dhacay.