Animation

War hada: Dowladda mareykanka oo bilwoday in ay hubeyso Dowladda kenya si ay ugula dagalaanto……

no responses
Friday May 5, 2017 - 11:45 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowladda Mareykanka ayaa caddeysay in ay qalab Miletery oo kala duwan ka iibineyso Dowladda Kenya, kaasoo qayb ka ah dhismaha keydka Ciidamada Bariga Afrika ee ay kula dagaallamayaan Argagixisada.

Qalabkaasi Ciidan oo isugu jira 12 Diyaaradood oo nooca qummaatiga u kaca ah (Helicopters) ,Maraakiibta Dagaal, Gentaallo iyo Saanado kale, ayaa ku kacaya qiima gaaraya $253 Million Dollar oo u dhiganta 25 Billion oo Shilinka Kenya ah,sida laga soo xigtay waaxda arrimaha dibedda ee Maraykanka.

Warar ayaa sheegaya in kaaliyaha ammaanka ee Dalka Marayka la filayo in loo diro Dalka Kenya, si uu halkaasi u gaarsiiyo warqad oggolaasho ah oo ka socota xukuumadda Washinton.

Qaar ka mid ah ururrada mucaaradka ee Dalka Kenya ayaa si weyn u dhaliilay tallaabadan uu Maraykanku Hubka ugu iibinayo Dowladda Kenya.

Dowladda Maraykanka ayaa dhowr goor oo hore ka iibisay Dowladda Kenya, kaasoo la sheegay iney u adeegsanayso la dagaallaanka kooxaha Argagixisada ee Geeska Afrika.