War hada: Dowladda kuwait oo cunaqabateyn kusoo rogtay kooxda alshabaab kadib markii ay….

0
New recruits belonging to the al Shabaab militant group march during a passing out parade at a military training base in Afgoye, west of the capital Mogadishu in this February 17, 2011 file photo. When Kenyan police arrested six men in the vast Dadaab refugee camp near the Somali border last April, their ultimate aim was to dismantle a decades-old sugar smuggling trade that is funding Somali militants waging war on Kenya. The arrests were part of Nairobi's new strategy to choke off the flow of money to Islamists whose cross-border raids have hammered Kenya and its tourism industry. While cash from sugar smuggling may amount to only a few million dollars, experts say such sums are enough for attacks that need just a few assault rifles, transport and loyalists ready to die. To match Insight KENYA-SECURITY/SOMALIA REUTERS/Feisal Omar/Files

War kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha dalka Kuwait ayaa lagu sheegay in dowladda Kuwait ay gacanta ku dhigtay doomo lagu soo raray Kiishash dhuxul ah oo la sheegay inay u rarnaayeen dhaq dhaqaaqa Al-shabaab waxana ugu jirtay faaido malaayiin denaar ah.

Kiishashka dhuxusha ah ee gacanta lagu dhigay ayaa gaarayay 51kiish waxana lagu sii waday in lagu iibiyo dalka Kuwait lacagta kasoo baxdana looso diro Al-shabaab.

Dowladda Kuwait ayaa sheegtay in dhuxushaasi la iibin doono oo faaidada laga helana looso diraayo xukuumadda Soomaaliya.

Saraakiisha Ilaalada xeebaha dalka Kuwait oo la hadlay wakaalada wararka Kuwait ee Kuna ayaa sheegaya in in iskaashi wadajir ay sameeyen laamaha amaan ee Khalijka ay suurta gashay in doomahaasi gacanta lagu dhigo.

Waxa ay doomahasi ku socdeen biyaha Kuwait,waxana dowladda Kuwait ay sheegtay inay ilaalinayso qaraaradii Golaha amaanka ee mamnuucista in dhuxusha Soomaaliya dibada loo iib geeyo.

Waa markii ugu horeeysay ay Kuwait gacanta ku dhigto doomo dhuxul ku raran yihiin oo Soomaaliya ka baxay.