Animation

War Hada: Dowlada Ingariiska oo Baaq iyo Digniin Culus u dirtay Maamulka Ictiraaf Raadiska ah ee Soomaliland

no responses
Tuesday November 1, 2016 - 6:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kuxigeenka Safiirka Dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya Andrew Allen  oo Shir Saxaafadeed ku qabtay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somalinad ayaa ka hadlay Arrimo dhowr ah oo ay ku jirto Doorashada Madaxtooyada Maamulka Somaliland.

Andrew Allen  ayaa sheegay in Dowladda Ingiriiska ay Niyad jab ka qabto Doorashada Somaliland gaar ahaan mida Madaxtooyada,waxaana uu Xusay Andrew Allen  in ay muuqato Ififaale muujinaya in Doorashadu ay Xiligeedii dib uga dhacdo

“Dowladda Ingiriiska waxa ay Somaliland ugu baaqeysaa in Doorashada Madaxtooyada ay dhacdo Xilligii loo qabtay oo ah March 2017” ayuu yiri Andrew Allen .

Beesha Caalamka ayaa dhawaan ka soo horjeesatay Go’aan Somaliland ay ku kala qaaday Doorashada Madaxtooyada iyo mida Baarlamaanka Somaliland  oo horay isku mar dhici jiray.