Animation

War hada: Doorashada Madaxweynaha oo goordhaw ka bilaaban doonta Afisyooni iyo qaban qaabadii ugu dambeysay oo socota

no responses
Wednesday February 8, 2017 - 6:03 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Qaban qaabadii ugu dambeeysay ee doorashada madaxweynaha soomaliya ayaa waxa ay hada ka socotaa xarunta afisyooni ee magaalada muqdisho.

Xildhibaanada ayaa kusii qul qulaya xarunta ay ka dhici doonto doorashada iyadoona laga dareemaayo mashquul aad u badan .

Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa soo saaray awaamiir ku aadan doorashada, iyadoo hoolka doorashada aan lala geli doonin Taleefanada gacanta, qallimaan iyo agabyada kale.

ilaa 22 musharax ayaa ilaa iyo hada u taagan in ay ku tartamaan kursiga madaxweynaha soomaliya waxaana codeyn doonta sida qorshaha uu yahay 329 xilddhibaan oo labada aqal ah.

Ammaanka magaalaada iyo goobta ay doorashada ka dhaceyso ayaa aad loo adkeeyay ma jiro dhaq dhaqaaq magaalada ka socoda xeta garoonka diyaaradaha maanta ma shaqeynaayo.

Isha ku haay wixii kusoo kordhaa