Animation

War Hada: Diyaarad Weyn oo siday Qaad fara Badan oo la sheegay in ay ka Dagtay Magaalooyin ka tirsan Deegaanada Maamulka…..

no responses
Tuesday September 6, 2016 - 11:41 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya Magaalooyinka Qardho iyo Gaalkacyo oo ka tirsan deeganada Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Diyaarado sida qaad ay saaka ka degteen deeganadaasi.

Dadka ku nool Magaalada Qardho ayaa sheegay Saaka inay maqlayeen guuxa Diyaarad weyn oo markii dambe laga soo dejiyay qaad fara badan oo Deeganada kala duwan ee Puntland loo qaadaayay.

Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in isla Diyaaradaasi ay ka degtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ay ku dejisay qaad fara badan.

Puntland ayaa sheegtay inuusan Khuseyn go’aanka Dowladda Federalka Somaliya ay ku joojisay qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya, waxayna taasi macnaheeda tahay in Garoomada Puntland ay ka degi karaan Diyaaradaha qaadka sida.

Maanta Magaalada Muqdisho ma aysan imaanin Diyaarad qaad sida oo ka timid dalka Kenya, iyadoo subax waliba aroortii Diyaaradaha ay imaan jireen Magaalada Muqdisho.