Animation

War Hada: Dhalinyaro Soomaliyeed oo Xabsi Min 30 Sano ah ay ku Xukuntay Maxkamad ku taala Wadanka…..

2 responses
Wednesday November 16, 2016 - 8:15 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Cabdiraxmaan Daauud ayaa goor dhowayd maxkamadda Minneapolis ay ku xukuntay 30 sano oo xarig ah. Goor horena Maxamed Cabdulxamiid Faarax oo ka mid ah saddex dhallinyaro ah oo bishii May ee sanandkan lagu qaaday maxkamad ku eedaysay inuu doonayey inuu ku biiro ururka Dacaish iyo eed labaad oo ahayd inuu maleegayey inuu dil ka gaysto dalka dibeddiisa ayaa maxkamadi ku xukuntay 30 sano oo xarig ah iyo in kormeer daa’im ah.

Hooyada dhashay Maxamed Faarax, Ayaan Faarax ayaa markii wiilkeeda lasii waday ku tiri “Allaah Macakum”. Ehelada wiilka ayaa la sheegay inay ooyeen, iyadoo Ayaan Faarax ay sheegtay inaan wiilkeedu helin maxkamad iyo xukun caddaalad ah toona.

Xaakimka maxkamadda Michael Davis ayaa isna sheegay in bulshada Soomaalida looga baahan yahay inay fahanto in unug jihaadi ah uu ka dhex jiro bulshada.

Waxaa goor dhow la xukumi doonaa sidoo kale oo ku xiga Cabdiraxmana Daauud. Waxaa ugu dambayn maanta la xukumi doonaa Guuleed Cali Cumar.

Horey waxaa loo xukumay lix dhallinyarao ah oo iyagu qirtay inay doonayeen inay ku biiraan ururka Dacaish, kuwaasi oo lagu kala xukumay sidan:

Xamse Axmed oo lagu xukumay 15 sano

Hanad Muuse oo lagu xukumay 10 sano

Zakariye Cabdiraxmana oo lagu xukumay 10 sano

Cadnaan Faarax oo lagu xukumay 10 sano

Cabdirissaq Warsame oo lagu xukumay 2 1/2 sano.

Cabdullaahi Yuusuf oo lagu xukumay waqtiga uu kusoo qaatay xabsiga.