Animation

War Hada: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Maamulka Puntland uu ku dhaqaaqay Maanta??? War ayaan kuu heynaa

no responses
Tuesday September 20, 2016 - 10:48 under Somali News by Tifaftiraha K24

Maxkamada ciidamada Maamulka puntland ayaa maanta xukuno ku riday 28 dhalinyara ah oo ka tirsanaa Xarakada Alshabaab oo ku xirnaa xabsiyada ku yaala magaalada Garowe ee xarunta u ah Maamulka Puntland.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland Cabdkariin Xasn Firdhiye ayaa saxaafada u sheegay in la xukumay 28 kamid ah Shabaabkii da’ahaana jiray  18 ilaa 15 sanno, kuwaas oo lagu riday xukuno u dhexeeya 15 ilaa iyo 20 sano oo xarig ah.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in kuwa soo haray oo ay da’ahaan jira inta u dhaxeysa 15 ilaa iyo 10 sano jir islamarkaana tiradoodu dhan tahay 26 maxbuus in lagu xukumay dhaqan celis lagu sameeyo, ayna kusugayaan Xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe.

Raga ay maanta xukunka ku riday maxkamada ciidamada ee maamulka puntland ayaa horay loogu soo qabtay dagaalo Ciidamada Maamulka puntland iyo Dagaalamayaal ka tirsan xarakada Alshabaab ku dhex maray deegaanada uu ka arimiyo maamulka puntland iyadoona maamulka Puntlnd uu horay ushaaciyay In dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab oo gaaraya 50 askari ay gacanta ku dhigeen in kastoo aan la xaqiijin karin dhab ahaansha warkaasi

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka