Animation

War Hada: Dhageyso Maxaadan Ogeyn Naxdinteeda leh oo Alshabaab ay ka geesteen Dagmada Tiyeegloow oo Dhawaan ay la wareegeen??? War Halis ah ayaan idin kaga heynaa

no responses
Tuesday November 1, 2016 - 5:39 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka Imaanaya Dagmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayan in Halkaasi Alshabaab ay ku dileen 5 Ruux oo Dadka deegaanka kamid ah.

Dadka la dilay ayaa la sheegay in ay isugu jireen Ganacsato iyo Dad kaloo Deegaanka ku Noolaay.

Shabaab ayaa Dadkaan ku Eedeyay in ay la shaqeynayeen Ciidamada Itoobiya ee Dhawaan Deegaanka Isaga baxay.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegay Shabaab in Degmadaasi ay ku dileen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, sidoo kalena ay dhibaato ku hayaan dadka shacabka ah.

Dhawaan ayey aheyd markii Bartamaha Dagmada Tiyeegloow lasoo dhigay Meydka Qof la gowracay waxaana tan iyo Markii Alshabaab ay Magaalada la wareegtay ay ku dileen dad ku dhaw 8 Ruux oo Shacab ah.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka