Animation

War Cusub: Dhageyso Amar Culus oo laga soo saaray Dibad-baxyada Muqdisho iyo Barnaamijyada Siyaasadda ee Lagu qabto…..

no responses
Sunday September 18, 2016 - 3:19 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in Banaanbaxyada aysan ogeyn in lagu qabto Magaalada Muqdisho ka dib Kulan ay Maanta yeesheen Masuuliyiinta Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Amar ku bixiyay in aan Muqdisho lagu qaban karin Banaanbax uusan Fasaxin Maamulka Gobolka.

Kulan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu maanta la qaatay Guddoomiyeyaasha 17-ka ee Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ku faray in wax banaan baxyo ah la qaban karin , iyadoo aan fasax laga heysan Maamulka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo saxaafada uga warbixiyay amarka ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa xusay in la mamnuucay banaan baxyada, isla markaana maamulka tallaabo ka qaadi doono cidii qabata banaan baxyo aan maamulka wax fasax ah looga heysan.

Xalane ayaa sidoo kale sheegay in Maanta dood dheer laga yeeshay Fasaxyada Hoteelada iyo dadka doonaya in ay Barnaamijyada ku qabsadaan Hotelada Muqdisho.

Ugu Dambeyn Afhayeenka waxa uu sheegay in Maalmaha soo socda Muqdisho lagu qaban doono Banaanbax looga soo horjeedo Muranka kenya iyo Soomaliya u dhaxeeya oo ku aadan Badda Soomaliya oo Kenya ay dooneyso in ay Xoog ku qabsato.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

 

fb_img_1474207940561 fb_img_1474207942278 fb_img_1474207946127 fb_img_1474207947785 fb_img_1474207949361 fb_img_1474207956042 fb_img_1474207964864 fb_img_1474207968708 fb_img_1474207971144fb_img_1474207943882