Animation

War Hada: Dhageyso Jubbaland oo Ka hadashay Doon Qaad ka keenta Magaalada Kismaayo oo Sha;ay lagu qabtay Xeebta Jaziira

no responses
Friday September 9, 2016 - 9:44 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Ciidamada amaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa Xeebta Jaziiro ee Duleedka Magaalada Muqdisho waxey ku qabteen Dooni Khaad/Jaad ka soo qaaday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Doonidan lagu qabtay Xeebta Jaziiro ayaa sida 35 Jawaan oo Khaad ah, iyadoona Ciidamada Amaanka ay gacanta ku dhigeen kadib markii ay ka warheleen in Doonidaasi ay ku soo wajahneyd Magaalada Muqdisho.

Wraarka qaar ayaa sheegaya in Iska horimaad culus uu Degaanka Jaziiro ku dhexmaray Ciidamada amaanka ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale oo halkaasi ku sugayay Doonida Khaadka siday.

Ciidamada kale ee sugayay Doonidaasi ayaa doonayay in Khaadka ay soo geliyaan gudaha Magaalada Muqdisho, balse waxaa arintaasi ka hortagay Ciidamada amaanka.

Gaashaanle Dhexe Jaamac Axmed Xasan oo ah Afhayeenka Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka war hayeen Doonida siday Qaadka ee ku soo xiratay Xeebta jasiira ee Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Qaadkaas in ay leeyihiin Ganacsatada Qaadka ku iibisa Deegaanada Jubbaland, isagoo dhanka kale sheegay in Dowladda Soomaaliya ay kaliya mamnuucday Duulimaadka Hawada, blase aysan mamnuucin in Qaadka Dalka la keeno.

Dhinaca kale Gaashaanle Dhexe Jaamac Axmed Xasan oo ah Afhayeenka Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay Howlgallo shalay ka bilowday Deegaanada Jubbaland, waxaana uu sheegay in Howlgaladaas inta ay socdaan ay Al-shabaab kala wareegeen Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Jubbaland.

Facebook Comments