Animation

War Hada Dhageyso: Amisom oo Shabeelada Hoose ku Xasuuqday Qoys Hal Guri ku wada Nool Kadib markii ay…..

no responses
Wednesday October 5, 2016 - 10:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Inta la xaqiijiyay 6 qof oo isgu qoys ah ayaa ku dhimatay ka dib markii ciidanka AMISOM ay hoobiye ku tuureen Tuulada Faranga oo u dhow deegaanka Jannaale ee degmada Shalaanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoyska uu ku dhacay Madfaca ayaa degenaa  Tuulada Faranga oo 5-KM u jirta Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dadka dhintay ayaa la sheegaya in ay ku jiraan caruur iyo haween Hal qoys ka wada tirsanaay.

Guddoomiyaha Degaanka Shalaanbood Nuur Cismaan Raage oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Madfaca ay rideen Ciidamada AMISOM islamarkaana uu ku Habsaday Qoyska ka Koobnaa 8 Ruux oo Lix kamid ah ay Goobta ku dhinteen,halka Labada kale uu Dhaawac Halis ah soo gaaray.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay dhowr jeer Madaafiic Ciidanka AMISOM uga soo tuureen goobta uu ku dhacay Hoobiyaha ay tuureen ciidanka AMISOM.

AMISOM weli wax war ah kama soo saarin Duqeynta Ciidamadooda ay ku dileen Qoyska Degenaa Duleedka Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana ay noqdeen kuwo soo laab laabta Dadka Rayidka ah ee ay Dilaan Ciidamada Midawga Afrika ee Soomaaliya jooga.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka