Somali News Top News

War Hada: Dagaalka ka socda Galkacyo oo Sii Xoogeystay iyo Faah Faahin Hordhac ah oo Laga Helaayo Qasaarah ka dhashay Dagaalka

Warar Dheeraad ah ayaa Waxa laglaga Helaaya Dagaalkii Galabta dib uga Qarxay Galbeedka Magaalada Galkacyo kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamo kala taabacsan Maamulada Hardanka uu ka dhaxeeyo ee Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka oo Ilaa iyo Hada socda ayaa waxaa la sheegay in Hubka Noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanaayo Iyadoona Xaafadaha Magaalada Galkacyo laga maqlaayo Daryanka Madaafiicda Culus .

Inta la Xaqiijiyay Dagaalka waxaa ku Geeriyooday ku dhawaad 5 Ruux Halka dhaawac uusii Caga cageynaayo ilaa 13 Ruux oo Dad shacab ah Kuwaasi oo la dhigay Cisbitaalada Koonfurta iyo Wuqooyiga Galkacyo ku yaala.

Ma jirto Cid ilaa iyo Hada ka hadashay Dagaalka ka socda Magaalada Galkacyo .

Dad Fara kutiris ah ayaa ku Haray Halka dagaalka uu ku badanyahay ee Magaalada iyadoo dadka intooda Badan ay Horay uga barakaceen Magaalada Galkacyo.

Qaramada Midoobay War ay Dhawaan soo saartay waxa ay ku sheegtay in Colaada Galkacyo ay ka Barakaceen dad lagu qiyaasay 50 kun oo Ruux oo Shacab ah kuwaasi oo ka Cararaya Dagaalada iyo Hardanka aan dhamaadka Laheyn ee u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Puntland oo Magaalada Galkacyo ku Loolamaya Maamulkeeda.

Beesha Caalamka waxay ka digtay in Colaada Galkacyo ay sii Baahdo taasi oo keni karta Dhibaato Beni’aadanimo Sidoo kale Dowlada Federaalka waxa ay ku baaqday in Dagaalka Galkacyo la joojiyo wixii khilaaf ahna Wada Hadal lagu dhameeyo.

Related posts

Daawo: Maxaad kala Socotaa Waxa ay Sameeyeen Malaayiin Ruux oo ku Nool Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga??

Tifaftiraha K24

Dhagayso Jubbaland oo so dhaweysay Heshiiski Shirkii Madasha..

admin

Taliyaha Cusub ee Ciidamada AMISOM oo sheegay inuu Mudnaanta Koowaad siin doono bur burinta Al-Shabaab

Sakariye Sakariye