Animation

War hada: Dagaal beeleed laga cabsi qabo in markale uu dib uga qarxo deegaano hoostaga dagmada……

no responses
Sunday May 14, 2017 - 9:50 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya deegaanno ka tirsan gobolka galgaduud ayaa waxa ay sheegayan in maanta xiisad dagaal ay ka jirto deegaanadii shalay ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleed aano qabiil ay ka dhaxeysay.

Deegaanka Labi-caanood ee Bariga Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga soo sheegaya in xiisad colaadeed ay maanta ka jirto iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan maleeshiyo beeleedkii shalay halkaaa ku dagaalamay.

Maleeshiyaadkii ku Dagaalamay Degaanka Labi-caanood ee Bariga Gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in ay weli isku Hub Aruursanayaan,iyadoo Xilli kasta la filan karo Dagaal Labada Dhinac dhexmara.

Inta la xaqiijiyay dagaalkii shalay ka dhacay labi caanood waxaa ku geeriyootay lix ruux halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 10 ruux sida goob joogayaal ay xaqiijiyeen.

Odayaasha labada dhinac ayaa dadaal ugu jira joojinta xiisadda dagaal iyo in laga baaqsado dagaal markale deegaanka ku dhexmaro maleeshiyada kasoo kala jeeda labada beel ee dirirtu ka dhaxeyso.