Update: Cusmaan Cilmi Boqore oo Noqon doona Guddoonka Aqalka Hoose Yaase loo magacaba Guddoonka Aqalka Sare????

0

Waxaa Goordhaw lasoo gaba gabeeyay Munaasabadda Dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqalm ee Baarlamaanka soomaliya .

Markii dhaarinta ay soo gaba gaboobday Xildhibaanada Labada Aqal ayaa guda galay in ay iska soo dhex xulaan Guddoonka Labada Aqal ee shir guddoomin doona Kalfadhiga ugu horeeyo waxaana lasoo xulay labada Xildhibaan ee ugu da’weyn Aqalka sare iyo Aqalka Hoose.

Guddoomiyaha xilkiisa dhamaaday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ayaa munaasabada dhaarinta Xildhibaanada ka sheegay in wixii hada ka dambeeya shir-guddoonka ay la wareegayaan labada nin ee ugu da’da weyn ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore ayaa noqday Xildhibaanka ugu da’da weyn Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Xuseen Raagge oo laga soo doortay Hirshabeelle ayaa isna noqday ninka ugu da’da weyn Xildhibaanada Aqalka sare.

Labada Xildhibaan ayaa si wada jir ah u shir-guddoomin doona labada Aqal ee Baarlamaanka, kuwaasoo soo magacaabi doona Guddiga doorashada Gudoomiyaasha labada aqal.

Sidoo kale waxaa la shaaciyay Labada Xildhibaan ee ugu da’da yar Labada Waxaana lagu kala Magacaaba Xildhibaan Ikraam Absuge iyo Xildhibaan Fartuun.