Animation

War Hada: Ciidamada Dowlada iyo Kuwa K/Galbeed oo u suurta Gashay in Dagaal la’aan ay dib ula wareegaan Deegaanka…..

one response
Sunday November 13, 2016 - 8:08 under Somali News by Tifaftiraha K24

Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Koofur Galbeed ayaa dib ula wareegay deegaanka Ceel Garas ee gobalka Bakool, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Deegaanka Ceel Garas ayaa ka mid ah deegaano dhowr ah oo ay horay uga baxeen ciidanka Itoobiya, isla markaana ay la wareegeen Alshabaab.

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in markii Al-Shabaab ay ka war heleen in ciidamada dowladda ay ku wajahanyihiin deegaankaas ay bilaabeen inay isaga baxaan deegaanka taasina ay keentay inay si nabad ah ay kula wareegaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa Dhawaan Faarujiyay Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Koonfur Galbeed waxaana deeganadaasi la Wareegay Alshabaab.