Animation

War Hada: Cabdi kariin Khaliif Dhalac oo kusoo Baxay Kursiga Aqalka Hoose ee Galmudug kadib Tartan Aadag oo dhacay

one response
Tuesday November 22, 2016 - 11:24 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Galmudug oo maanta dib uga Bilaabatay Magaalada Cadaado ayaa waxa ay Mareysa Meel Xasaais ah waxaana Doorashada ilaa iyo Hada kusoo Baxay Xildhibaano Cusub.

Ergooyinka ayaa Goordhaw waxa ay Codkooda siiyeen Musharax Cabdi kariin Khaliif Dhalac Kadib Markii uu ka guuleestay Musharaxiinta kala ah Cabdiqadir Qalabxoor iyo xasan Maxamed Cali seed.

fb_img_1479812576793

Cabdi Kariim Khaliif Dhalac wuxuu hada Kamid Noqonaya Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Soomaliya Isagoona Matali doona Maamulka Galmudug.

Doorashada Saakay Waxaa Horay uga soo baxay Xildhibaan Cabdi Wali maxamad Qanyare Afrax Kadib Markii uu ka guuleestay Murashixii la tartamyay oo lagu Magacabo Bashiir Cali Caddoow Waxaana Cabdi wali Qanyare uu helay 48 Cod.

Doorashada weli wey socotaa waxaana dhiman Kuraasta Ugu Aadag Doorashada Aqalka Hoose ee Galmudug.