Animation

War hada: AMISOM oo Madaafiic culus u qeybisay dadka ku nool xaafaddo ku yaala…..

no responses
Wednesday May 10, 2017 - 12:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Midowga Afrika Amisom gaar ahaan kuwa Burundi in ay madaafiic ku garaacen xaafaddo ay ku sugnaayeen dad shacab ahaa.

Madaafiicdaan, ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii madaafiic lagu soo tuuray xerada ciidamada Amisom ee deegaanka Arbacow ee duleedka Ceelasha Biyaha.

Amisom oo ka jawaabeysa madaafiicda Shabaab ay ku soo tuureen, ayaa waxaa la sheegay inay rideen illaa lix madaafiic ah, kuwaasi oo ku dhacay xaafaddo dad shacab ah deganaayeen.

2-qof oo shacab ahaa ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen madaafiicda xaafadaas ku dhacday islamarkaana uu jiro dhaawacyo soo gaaray dad kale oo xaafadaas ku sugnaa.

Amisom weli kama aysan hadlin madaafiicdaasi dadka rayidka ah ku dhinteen ee xalay ciidamadooda ay ku garaaceen xaafaddaha ka tirsan deegaanak Arbacow.

Al Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah la beegsada Saldhigyada ciidamada Amisom ay ka degan yihiin Gobolada dalka.