Animation

War hada: Alshababa ayaa war ka soo saartay sargaal sare oo NISA ka tirsan oo saakay lagu dilay muqdisho

no responses
Thursday April 27, 2017 - 2:27 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar saakay lagu dilay sargaalka tirsan hey’adda nabad sugidda oo ka dhacay dagmada shibis.

Weerarka waxaa fulisay dhalinyaro  bastoolado ku hubeysan waxaana ay rasaas ku fureen marxuum  lagu mgacaabi jiray Maxamuud Xaaji Cali xili uu ku sugnaay xaafadda maana-boolyo ee dagmada shibis.

Sargaalka la dilay ayaa goor hore oo saakay ah waxa uu soo kormeeraayay guri isaga uu leeyahay oo dhismahiisa uu ka socdo maana-boolyo xiligaas oo aaney la socon dhalinyaro ilaalo u ahaan jirtay waxaana ilaalo la’aantiisa ka faaiideystay dableeyda oo dishay sargaalka.

Afhayeenka dhanka howlgallada alshabaab c/caziiz abuu mucsab ayaa idaacadda afka shabaab ku hadasha ee andalus u sheegay in dagaalamayaashooda ay qaarajiyeen  Maxamuud Xaaji Cali oo ka tirsanaay saraakiisha NISA.

Alshabaab waxa ay sheegeen in ay laba jibaareen weerarada qorsheysan oo ay ka fulinayaan muqdisho tan iyo markii la doortay madaxweyne farmaajo.